7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 11, 2024
Banaanbax weyn oo goordhaw ka bilaaban doona Muqdsho iyo amaanka oo si weyn loo adkeeyay

Khamiis, January, 11, 2024 (HOL) - Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada uu ka dhaco banaanbax aad u weyn oo looga soo horjeedo damaca dowladda Itobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Shacabka ku dhaqan degmooyinka magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa lagu wadaa in goordhaw isugu soo baxaan banaanbaxa, waxaana kala qeyb gali doona shaqaalaha dowladda iyo masuuliyiin kale.

Dibadbaxaan ayaa Xukuumadda Soomaaliya waxay guddi isugu jira wasiirro, masuuliyiin ka tirsan maamulka goolka Banaadir iyo saraakiil ciidan u xil saartay qaban qaabada banaanbax weyn oo maanta ka dhaca magaalada Muqdisho, si loo muujiyo dareenka dadka Soomaaliyeed ee la xariira damaca Itoobiya.

Ciidamada amaanka ayaa saakay si weyn u adkeeyay amaanka goobaha la filayo iney ka dhacaan bannaanbaxa, waxayna ciidamada gabi ahaan xireen wadooyinka muhiimka ah oo loo diidayo in gaadiidka isticmaalaan.

Banaanbaxaan ayaa noqonaya kii labaad ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii uu soo baxay heshiis ay Adis Ababa ku wada galeen madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Itoobiya, kaasoo ahaa in Itoobiya hesho 20 KM oo ka mid ah biyaha Soomaaliya, halka Itoobiyana ay dowlad madax banaan u aqoonsaneyso Somaliland.