9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2024
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa ATMIS oo howlgal wadajir ah ka sameeyay Shabeellaha Hoose
 

Jimco, Agoosto, 9, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa ATMIS ee ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sameeyay howlgalo lagu xaqiijinayo amniga magaaladaas iyo deegaanada hoostaga.

Ciidmaadaaan is garabsanaya ayaa howlgalo miino baaris ah ka sameeyay wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada Baraawe.

"Ciidanka ayaa baaritaano ku sameeyay wadooyinka si looga hortago qatarta kooxaha argagaxisada oo wadooyinka ku aasa miino si ay dadka shacabka ah u waxyeeleeyaan" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Howlgalkaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa ATMIS ka sameeyeen Baraawe iyo nawaaxigeeda ayaa kusoo aadaya, iyadoo inta badan qaraxyo miino kooxda Al-shabaab ku aasto wadooyinka ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh kasoo gaaraan dadka shacabka ah ee ku safara qaar ka mid ah wadooyinka gobolada dalka.

Ugu dambeyntii Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee degmada Baraawe Gaashaanle sare Cali Dagaal Xirsi iyo Taliyaha guutada 27-aad ee ciidanka lugta UPDF, Gaashaanle dhexe Gerald Sempijja oo howgalka si wadajir ah u hoggaaminaayay ayaa sheegeen in howlgaladaan roondada ah lagu xasilinayo amaanka degmada Baraawe iyo nawaaxigeeda.