9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2024
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo taageero u muujisay Musharax Raila Odinga
 

Jimco, Agoosto, 9, 2024 (HOL) - Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo isaga hartay tartanka loogu jiro doorashada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee lagu wado in sanadka soo socda la qabto ayaa taageero u muujisay Raysal wasaarahii hore ee dalka Kenya Raila odinga.

Kulan gaar ah oo magaalada Nairobi ku dhexmaray labadaan masuul ee Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Raila Odinga ayay kaga wada hadleen arrimo badan oo la xariira xaalada gobolka iyo tan doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika.

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf ayaa kulanka ugu muujisay Raila odinga taageero la xariirta tartanka loogu jiro doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika oo uu qeyb ka yahay Odinga musharaxiinta ugu cad cad kursigaas.

"Waxaan ku faraxsanahay inaan ka wada hadalnay arrimo muhiim ah oo ku saabsan qaaraddeena Fawzia Yusuf H. Adam, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya. Aad ayaan uga mahadcelinayaa taageerada ay ii fidisay tartanka aan u galay Guddoomiyaha AUC" ayuu yiri Musharax Raila Odinga.

Doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa la shaacisay iney isku diiwaan galiyeen ilaa afar Musharax, waxaana taageerada Fowsiya Yuusuf ay u muujisay Raila Odinga ay kusoo aadeysa, iyadoo dowladda Soomaaliya doorashadaan ay ku garab taagan tahay musharaxa Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti.