9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2024
Somaliland oo ka cadhootay warbixin ay shalay baahisay BBC Somali

 

Jimco, Agoosto, 9, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa xad-gudub ku tilmaantay warbixin ay BBC Somali Khamiistii kaga hadashay hoos u dhaca lacagta shilinka Soomaaliya, oo ay u isticmaashay sawir lacagta Somaliland ah.

Qoraal kasoo baxay wasaarada warfaafinta ayaa lagu yidhi "BBC Somali waxa ay xoortay anshaxii iyo milgihii saxaafadda ee jidaynayey dhexdhexaadnimada. taasi oo ku keentay nuqsaan iyo hoos u dhac la xidhiidha kalsoonidii lagu qabay idaacadaas".

Somaliland waxay BBC-da ku eedaysay in ay muddo dheer caadaysatay inay warar been abuur ah  ka faafiso, isla markaana xilliyo kala duwan looga digay faafinta warar aan jirin oo ay xukuumadu sheegtay in ay idaacadu ka qortay.

"Waxa wax lala yaabo ah, in idaacadaasi maanta ay Facebook-geeda ku baahisay maqaal ay ka qortay hoos u dhaca lacagta iyo dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, hase ahaatee ay si  badheedh ah qormadaas sawir uga dhigeen lacagta Somaliland. Taasi oo gef iyo ihaano ku ah  Somaliland" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Warbixinta BBC Somali ayaa waxa ka falceliyay boqollaal qof iyada oo ay dadku inta badan hadal hayeen sawirka ay idaacadu u isticmaashay warbixinta oo ah mid kamid ah sariflayaasha Hargaysa oo suuqa lacag la fadhiya.

Xukuumada Somaliland ayaa marar kala duwan hawada ka saartay dhagaysiga idaacada BBC Somali ee deegaanadeeda, iyada oo ay ku eedaysay in ay ku xad-gudubtay madaxbannaanideeda.