9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2024
Shir u dhaxeeyay Wasiiradda Maaliyadda heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay
 

Jimco, Agoosto, 9, 2024 (HOL) - Waxaa Shalay galinkii dambe magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir u dhaxeeyay Wasiiradda Maaliyadda heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo gobolka banaadir, kaasoo looga hadlay qodobo muhiim.

Shirkaan ayaa u socday Wasiiradda Maaliyadda mudo sadax cesho ah, waxaana diirada lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin horumarinta hanaanka Maaliyadda iyo wadashaqaynta guud ee Wasiiradda Maaliyada Fedaraalka, heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa dhinacyada si wadajir ah uga soo saareen warmurtiyeed ka kooban Shan qodob oo ay saxiixeen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha iyo Wasiirada Maaliyadda maamul goboleedyada dalka, hayeshe Puntland qeyb kama aheyn shirkaan.

Hoos ka akhriso qodobada Warmurtiyeedka oo faahfaahsan.

1) ๐–๐š๐๐š๐š๐ ๐ ๐š ๐Š๐š๐›๐ค๐š ๐Œ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐ง๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š (๐๐ฎ๐๐ ๐ž๐ญ ๐’๐ฎ๐ฉ๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ): Si waafaqsan heshiiskii Wasiirrada ee shirkii 18aad, ee ku saabsanaa wadaagga deeqaha, waxa lagu heshiiyey in lagu saleeyo wadaagga kabka miisaaniyadda Sanad Maaliyadeedka 2024 si waafaqsan tilmaamaha heshiiska. Waxaa sidoo kale la isla qaatay in lagu dabaqayo dajinta Miisaaniyadda Sannadka 2025.

2) ๐๐š๐š๐›๐ค๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐‹๐š๐ฆ๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐ง๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š (๐‹๐€๐‚): Kulanku wuxuu ka dhegeystay Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Fadaraaleynta Maaliyadda (IGFFTC) soo jeedintii Guddiga fadhigiisii 16aad, warbixintaas oo lagu faah-faahiyey Aqoonsiga Canshuur bixiyaha iyo qaabka uu noqon karo. Madasha waxa ay isku raacday soo jeedintii Guddiga Farsamada, taas oo ah in hirgelinta Lambarka Aqoonsiga Canshuur bixiyahu (LAC) noqdo 12 god, (12 digit) oo muujinaya nooca canshuur bixiyaha (shakhsi/ganacsi/heyโ€™ad), heerka dowladda, lambar taxane ah ee nidaamka danabeysan ee la adeegsanayo  iyo lambar lagu hubinayo.

3)๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ž๐ž๐ช๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ฅ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ข๐๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐š๐ก๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž: Warbixin iyo soo jeedin Mashruuca RCRF oo xiganaya soo jeedintii Guddiga Farsamada ee shirkii Kigali, kulanku wuxuu bogaadiyey ansixiyeyna dhammaan shuruudaha iyo habraacyada la xariira maamulidda deeqaha Dowladaha Hoose ee la soo bandhigay. Kulanku wuxuu isku raacay in la xoojiyo tayada shaqo ee Dowladaha Hoose si loo xaqiijiyo isticmaalka lacagta sida saxda ah, iyadoo laga kaalmeeynayo habsami u socodka shaqada mashruuca iyo bixinta adeegyada bulshada.  
 
4)๐๐จ๐ซ๐ฆ๐จ ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐ž๐ž๐๐ค๐ข๐ข ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐š๐๐ข๐ข ๐Œ๐š๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฌ๐ญ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐ฐ๐จ๐จ๐๐š๐ก๐š:  Kulanka waxaa looga warbixiyey halka uu marayo Qormo Siyaasadeedkii Heshiisyadii Masโ€™uuliyadaha Dakhliga iyo Asteynta Awoodaha Adeegga heerarka dowladaha, kaas oo Madasha Wadatashiga Qaranku (NCC) hore goโ€™aamo uga gaaray December 2022 iyo Maarso 2023.  Falanqeyn dheer kaddib, kulanku wuxuu bogaadiyey dadaalka Guddiga Farasamada, ayadoo sidoo kalena kulanku bogaadiyey soo jeedintii Guddiga Farsamada ee ahayd in Maamul kasta gudihiisa kasoo baaraandegaan, soona gudbiyaan aragtidooda bisha October ee Sanadka 2024.

5) ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐‘๐‚๐‘๐…-๐ˆ๐ˆ๐ˆ:

 Kulanku wuxuu ka dhagaystay soo jeedin ku aadan hannaanka cusub ee mashruuca RCRF-III u saacidi doono DXDF sanadka soo socda, taas oo isbedel ku imaan doono habraacyadii hore. Dowlad Goboleedyadu waxay qoondada mushaar bixinta u wareejin doonaan qaabka shuruudda ku xiran ee loo yaqaano PBC. Waxaa la isku waafaqay in shir arinkaan u gaar ah la qabto si loo falanqeeyo caqabadaha ku imaan kara fulinta hawshan.