9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2024
Wasiir Khadiija Al-Makhsuumi "Dadka jara Dhirta iyo kuwa Bacda dalkeena keenaya waxay la mid yihiin khawaarijta"
 

Jimco, Agoosto, 9, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi oo bixisay wareysi dhinacyo badan taabanaayay ayaa sheegay in Wasaaradeeda dagaal adag ay la gali doonto dadka Bacaha dalka soo galiyo iyo kuwa Jarista ku haayo dhirta oo dhibaato xooggan ku ah dadka Soomaaliyeed iyo Duurjoogtaba.

Wasiiradda ayaa sheegtay iney ka go'an tahay qax ka qabashada xaalufinta lagu haayo deegaanka, waxayna ugu baaqday dadka Soomaaliyeed in Wasaaraddu kala shaqeyaan halista ka dhalan karta xaalufka.

Wasiir Khadiija Al-Makhsuumi ayaa sidoo kale xustay in dadka jara dhirta iyo kuwa bacaha soo galiya dalka gudahiisa iney la mid yihiin kooxda Al-shabaab.

“Dadka jara Dhirta iyo kuwa Bacda dalkeena keenaya waxay la mid yihiin khawaarijta, Isbedelka Cimilada dalkeenna waxa u keena qashinka,xaalufinta deegaanka,qiica gaadiidka, marka ummadda Soomaaliyeed waxaa looga baahanyahay inay masuuliyad iska saaran ilaalinta deegaanka” ayay tiri Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Khadiija Al-Makhsuumi.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiiradda Deegaanka ayaa imaanaya, iyadoo qubarada dhanka Isbadalka Cimilada ka digayaan dhibaatooyinka ka dhalan kara jarista dhirta oo ku badan gudaha dalka Soomaaliya.