9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2024
Somaliland oo Canbaaraysay hadal ay Masar kaga soo horjeedsatay isfahanka ay la gaadhay Itoobiya
 

Arbaco, Agoosto, 7, 2024 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa canbaaraysay hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdelatty kaga soo horjeestay heshiiska isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya.

Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa hadalka wasiirka ku tilmaantay mid aan sax ahayn oo marin habaabin ah. Waxay sheegtay in hadalka Abdelatty uu xadgudub ku yahay xuquuqda madax-bannaanida ee shacabka Somaliland.

Somaliland waxay sheegtay in ay markale xaqiijinayso sida ay uga go’an tahay heshiiska ay la gashay Itoobiya, isla markaana uu mihiim u yahay xasilloonida gobolkan iyo iskaashiga dhaqaalaha.

"Heshiiskani wuxuu ka tarjumayaa danaha la wadaaggo iyo is ixtiraamka ka dhexeeya labada dal," ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda.

Waxa qoraalka lagu sheegay in Somaliland ay ka madaxbannaantahay Soomaaliya "Somaliland maaha, waligeedna ma ahaan doonto, qayb ka mid ah maamulka Muqdisho. Waxaanu nahay qaran gaar ah oo leh taariikh hodan ah, dhaqan iyo hay’ado dimuqraadi ah,".

Somaliland ayaa ugu baaqday Masar inay ixtiraamto madax-bannaanideeda oo ay diiradda saarto arrimaha gobolka ee ku xeeran, sida xaalada Liibiya, Suudaan, Falastiin, iyo Lugnaan, oo ay dadaallada diblumaasiyadeed u wareejiso xasaradahaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdelatty, oo garab taagan dhiggiisa Turkiga, Hakan Fidan, ayaa dhawaan muujiyay taageerada uu u hayo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in uu kasoo horjeedo isafahanka Somaliland iyo Itoobiya.