9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2024
Ciidanka ATMIS oo Saldhiga degmada Maxaas ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka
 

Arbaco, Agoosto, 7, 2024 (HOL) - Sanado badan kadib ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ku howlgala magaca ATMIS ayaa si rasmi ah u wareejiyay Saldhigii ay ku lahaayeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka ATMIS ayaa Saldhigoodii degmada Maxaas maanta ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo si buuxda ula wareegay amaanka degmadaas.

Saldhigaan ciidanka ATMIS ku wareejiyeen ciidanka xoogga dalka ayaa noqonaya kii lixaad oo ATMIS ku wareejiso ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana Saldhigaan ka howlgali jiray ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

Madaxa saadka ee ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS Col. Bosco Sibondavyi oo ka hadlay munaasabada lagu wareejinayay Saldhigan Militari ayaa ku amaanay ciidamada ATMIS iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya ilaalinta bulshada deegaanka iyo sugidda amniga gobolka.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka hadlay Xuseen Maxamed oo Wakiil u ahaa ciidanka Soomaaliya, kaasoo sheegay inay diyaar u yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed in ay la wareegaan masuuliyadda amniga iyo la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

Patrick Duah oo ah madaxa qorshaynta kala guurka ee UNSOS ayaa dhankiisa sheegay muhiimadda ay UNSOS u leedahay taageeridda qorshaha Kalaguurka ee Soomaaliya ee geeddi socodka nabadaynta ee dalka.

Ugu dambeyntii dhamaadka sanadkaan ayaa lagu wadaa in ciidanka ATMIS howlgalkooda Soomaaliya uu ku ekaado, waxaana sidoo kale la filaya in ciidamo kale badali doonaan oo ku howlgalaya magac cusub, kana tiro yar howlgalka haatan waqtigiisa gabagabada yahay ee ATMIS.