8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2024
Maleeshiyaad hubeysan oo laba nin oo walaalo ahaa ku dilay gobolka Galgaduud
 

Arbaco, Agoosto, 7, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xalay deegaanka lagu magacaabo Oodan oo ku yaala bariga gobolkaas in lagu dilay laba nin oo Walaalo ahaa, islamarkaana sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen laba caruur ah iyo Hooyadood.

Dilka iyo dhaawaca loo geystay dadkaan isku qoyska ah ayaa waxaa geystay maleeshiyaad hubeysnaa oo goobta si deg deg ah uga baxsaday.

Ragga Walalaaha ah ee maleeshiyaadka dileen ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdinaasir Axmed Carab iyo Cabdikariin Axmed Carab, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in labadaan nin dilkooda uu salka haayo arimo la xiriira aanoyin qabiil.

Waxaa sidoo kale wararku intaasi in ragga la dilay ee Walaalaha ah ay kasoo jeedaan degmada Cadaado, halka kuwa dilka geystay la tilmaamay iney kasoo jeedeen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka gobolka Galgaduud ayaa gaaray halka uu weerarka dilka ah ka dhacay, kuwaas oo lasoo warinayo iney  baadi goobayaan maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilka.

Deegaanada maamulka Galmudug dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dagaal beeleedyo soo laab laabtay iyo dilal ku saleysan aanooyinka qabiil, waxaana muuqata in maamulka Galmudug uu ku fashilmay wax ka qabashada dhibaatooyinkaan soo laablaabtay.