8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2024
Soomaaliya oo isaga hartay tartanka loogu jiro dooraashada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika
 

Arbaco, Agoosto, 7, 2024 (HOL) - Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa isaga hartay inay ka qeyb gasho doorashada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Aadan ayaanan kamid ahayn liiska afar musharrax oo isku diiwaan galiyay doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika. Sida aan xogta ku helayno, waxaa la sheegay inay ka tanaasushay  doonisteedii ku aaddanayd kursigaas.

Maalintii shalay oo ku beegnayd lixda bisha August ayay ku ekayd waqtiga kama dambeysta ah ee ay musharaxiintu kusoo gudbin lahaayeen araajidooda.

Dhawaan ayay ahayd markii Fowsiyo ay ku eedeysay madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada inay u sheegeen inay ka laabato musharraxnimadeeda kursiga guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, inkastoo ay ka hor timid dalabka ay usoo jeediyeen madaxda.

Ra’iisul Wasaarihii hore Kenya Raila Odinga ayaa mar kale helay dhiirri-gelin weyn oo ku aaddan tartanka Guddiga Midowga Afrika, kadib markii la sheegay in Soomaaliya iyo Seychelles ay ka tanaasuleen musharrixiintooda, maaddaama uu dhammaaday waqtigii loogu talagalay in lagu soo gudbiyo codsiga.

Wararka laga helayo xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 musharax ay soo bandhigeen dalabkooda, waxaana ka mid ah, Mr. Odinga oo doonaya inuu xilka kala wareego guddoomiyaha xilka ka degaya Moussa Faki oo ka soo jeeda Chad, musharaxa Jabuuti. Maxamuud Cali Yuusuf oo hadda ah wasiirka arrimaha dibadda oo muddo dheer ku soo jiray diblumaasiyadda, musharax u dhashay dalka Mauritius oo u muuqday mid ku soo booday xilli dambe tartanka, iyo mid kale oo ka soo jeeda jasiiradda Madagaskar oo isna tartankan ka qeyb ah.

Waxaa la saadaalinayaa in loolanka ugu dambeeya uu dhexmari doono hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga iyo wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf.

Doorashada ayaa dhici doonta bisha Febraayo ee sannadka soo socda.