9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2024
Xukuumadda Soomaaliya oo Nus Milyan dolar ah ugu deeqay dadkii ku waxyeeloobay Weerarkii Xeebta Liido
 

Arbaco, Agoosto, 7, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi barre ayaa Xalay shir guddoomiyay shir deg deg ahaa oo golahiisa Wasiiradda kaga hadlayeen weerarkii khasaaraha badnaa ee kooxda Al-shabaab ka geysatay Jimcihii lasoo dhaafay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Xamse Cabdi Barre iyo Golahiisa wasiiradda ayaa ku dhawaaqay in Nus Milyan doolar ah Xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeeladu ka soo gaartay weerarki qaraxyada ku bilowday ee Jimcihii ka dhacay Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, si loogu caawiyo dadkii dhibaatada ay kasoo gaartay weerarkaas.

"Lacagtaan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Weerarkii Xeebta Liido ayaa waxaa ku dhintay 40 ruux oo shacab ahaa una badnaa dhalinyaro ku caweyneysay Xeebta, waxaana ku dhaawacmay 247 ruux oo kale, waana weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee sanadkan gudahiisa kooxda Al-shabaab ay geysatay magaalada Muqdisho.