8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2024
Fagaare ku yaala magaalada Kismaayo oo Maanta lagu toogtay rag horay u dilay dad shacab ahaa
 

Isniin, Agoosto, 5, 2024 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo lagu helay iney horay dilal ugu geysteen laba qof oo shacab ahaa.

Labada nin ee toogashada lagu fuliyay maanta ayaa lagu kala magacaabi jiray Yaasiin Cismaan Colow iyo Dable Maxamed Cabdullaahi Siciid oo horay dilal ugu kala geystay Marxuumiin lagu kala magacaabi jiray Muxiyadiin Cabdi Xasan iyo Maxamed deeq Nuune Saalax.

Ragaan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaala magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana goobjoog ahaa fagaaraha toogashada ka dhacday ehelada marxuumiinta horey u dileen ragan maanta la toogtay, kuwaas oo soo dhaweeyay xukunka qisaasta ah ee lagu filay gacan ku dhiiglayaasha maanta la toogtay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa sanadkaan gudahiisa fulisay xukuno badan oo dil toogasho ah oo ay ku fulisay rag ka tirsana Al-shabaab iyo askarta ciidanka dowladda oo dad shacab ahaa dilal u geystay, waxaana xukunadaasi soo dhaweeyay shacabka ku nool magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.