8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2024
Maxaabiis katirsan Alshabaab oo ka baxsaday xabsi kuyaala waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland
 

Isniin, Agoosto, 5, 2024 (HOL) - Sida ay sheegayaan xogaha aan helayno, maxaabiis ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ku xukumnaa dil toogasho ah ayaa ka baxsaday xabsi kuyaala waqooyiga magaalada   Gaalkacyo ee maamulka Puntland.

Maxaabiista baxsatay oo sugayay in lagu fuliyo xukun dil ah, kadib markii lagu helay dambiyo kala duwan oo isugu jira dilal iyo qaraxyo, ayaan la ogayn sababta ka dambeysay inay ka baxsadaan xabsiga ay ku jireen oo aad loo ilaaliyo.

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Sanyare, ahna gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay baxsashada maxaabiista Alshabaab.  

“Waa wax laga xumaado inay baxsadaan gacan ku dhiigleyaal saddex sano ka hor dil lagu xukumay, isla markaana sugayay in la toogto,” ayuu yiri Sanyare.

Xildhibaan Sanyare wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo, si cadaaladda loo horkeeno kuwii gacan ka geystay falkan.

Dhacdadaan ayaa noqoneysa tii labaad oo maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab ay kaga baxsadaan xabsiga Gaalkacyo.

Bartamihii Luulyo 2022, koox kale oo maxaabiis ah oo dil lagu xukumay ayaa ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo.

Baxsashadaan ayaa kusoo aadaysa, xilli uu magaalada Gaalkacyo ku wajahan yahay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo saakay halkaas u ambo baxay.

Dhawaan ayay ahayd markii ehelada dadkii Gaalkacyo lagu dilay ay dalbadeen in caddaaladda lagu fuliyo Shabaabka dilka ku xukuman. Waxay maamulka Puntland ku eedeynayeen in la doonayo in la fakiyo maxaabiista, taasoo ay sheegeen inay keeni karto falal aargoosi qabiil ah.

Maxaabiista Shabaab ee ku xirnaa xabsiyada Gaalkacyo ayaa u badnaa dhallinyaro intooda badan da’doodu u dhaxaysay 17 illaa 20 jir. Maamulka Puntland oo labo jeer Gaalkacyo ka fuliyay dilka maxaabiis Shabaab ah, ayaa hakiyay fulinta xukunka Shabaabkii ugu dambeeyay ee lasoo qabtay, kuwaas oo u badan dhallinyaro.

Warar ayaa sheegaya in Puntland ay culays kala kulantay hay’adaha caalamiga ah ee udooda xaquuqda aadanaha, kuwaas oo horey u dalbaday in aan dil lagu fulinin dhallinyarada Shabaabka ee lagu riday xukunka dilka ah.

Hay’adda Save the Children ayaa bishii labaad ee sannadkii 2022, ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay soo farageliso xabsi dheer iyo xukun dil ah oo ay Punland ku riday 6 dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Alshabaab, laguna eedeeyay dilal qorshaysan.