8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2024
Go'aamo nabadeed oo lagasoo saaray colaaddii ka taagnyad degmada Luuq ee gobolka Gedo

Isniin, Agoosto, 5, 2024 (HOL) - Guddi loo xilsaaray nabadaynta colaadda degmada Luuq ayaa soo saaray go’aamo nabadeed oo lagusoo afjarayo colaaddii u dhaxaysay saddex beelood oo wada degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo katirsan guddiga nabadaynta loo xilsaaray, ayaa sheegay in beelaha dagaalamay mid kaste lagu ganaaxay inuu bixiyo magta dadkii sida xaq darrada ah lagu dilay.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha caddaaladda loo gudbin doono 8 qof oo ku lug lahaa hurinta colaadaha.

Guddiga nabadaynta waxay guddi gaar ah u saareen qiimaynta khasaaraha ka dhashay tuulooyinkii iyo ganacsiyadii la gubay, si dadkii hantidu ka khasaartay loogu celiyo hantidoodii.

Waxaa kale oo ay guddigu sheegeen in dadkii gubay dusha laga saaridoono inay bixiyaan hantidadaas.

Maxamuud Sayid Aadan waxa uu caddeeyay in la kala dirayo maleyshiyo beeleedkii ka qeyb qaatay colaadda, sidoo kale wuxuu sheegay in aan deegaanka lagu dhex arki karin askari aan ka tirsanayn ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Soo saarista go’aamadan ayaa ka dhashay kaddib muddo afar asbuuc ah oo degmada Luuq ay ka socdeen shirar nabadeed oo lagusoo afjarayay colaadda halkaas ka taagnayd, iyadoo guddiga nabadaynta uu gacmaha isku saaray beelaha dagaalamayay.