8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2024
Banaanbax looga soo horjeedo kooxda Al-shabaab oo Maanta ka dhacaya Xeebta Liido

Isniin, Agoosto, 5, 2024 (HOL) - Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa inuu ka dhaco banaanbax weyn oo looga soo horjeedo weerarkii habeeno kooban ka hor kooxda Al-shabaab ka geystay Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Qaban qaabada banaanbaxaan oo ay abaabulkiisa leedahay dowladda Fedaraalka ayaa si weyn saakay looga dareemaya inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb gali doono masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda iyo qeybaha kale ee dadweynaya reer Muqdisho.

Banaanbaxaan ayaa ka dhacaya gudaha Xeebta Liido oo aheyd halkii habeeno ka hor lagu gumaaday muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan oo halkaas ku caweynaayay.

Amaanka Xeebta Liido iyo waddooyinka soo gala, kana baxa ayaa ciidamada amaanka si weyn u adkeeyeen, waxaana halkaasi kusii qulqulaya dadka ka qeybgalaya banaanbaxa looga soo horjeedo weerarkii Al-shabaab ka geysatay Liido.

Weerarkii Liido ayaa kooxda Al-shabaab waxay ku laaysay dad u badnaa dhalinyaro oo tiradooda gaareyso 37 ruux oo dhamaan ahaa dad shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen 247 ruux oo kale oo shacab ahaa, kuwaas oo ku damaashaadayay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.