8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2024
Banaanbax looga soo horjeeday weerarkii Al-shabaab ee Xeebta Liido oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Isniin, Agoosto, 5, 2024 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay banaanbax aad u balaaran oo looga soo horjeeday weerarkii kooxda Al-shabaab ka geystay habeeno ka hor Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Dibadbaxaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuulyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka iyo boqolaal ka mid ah dadka ku nool Muqdisho, kuwaas oo ka dhiidhinaayay sida ay uga xun yihiin weerarkii Al-shabaab ku laaysay dadka shacabka ahaa ee ku caweynayay Xeebta Liido.

Dadweynaha ka qeyb galay banaanbaxaan oo ay soo abaabushay dowladda Fedaraalka ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, waxaana banaanbaxa halku dhigiisu uu ahaa ololaha ciribtirka Khawarijta iyo naqdinta ficiladooda guracan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka mid ahaa masuliyiinta ka hadashay banaanbaxa ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin in maalin waliba la duugo, lagana soo tago dadka ku dhinta weerarada ay geysanayaan Al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay Shacabka iney kaalintooda ka qaataan doorka uga furan la dagaalanka Shabaab.

“Dadkii ku geeriyooday Xeebta Liido ee Dhallinyaro u badnayd waxa aan leenahay allaha u naxariisto, waxaa la idinka rabaa in Cadawga meel uga soo wada jeesano oo isku si loola dagaalamo maxaa yeelay maalin kasta dhiig ayay dhex galgalanayaan markaasaa nin daroogeysan inta qarax lagu soo xiro oo dadka la dhex keenno ayuu isku qarxinayaa” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Dibadbaxaan maanta ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan Xeebta Liido ayaa imaanaya, iyadoo laba habeen ka hor kooxda Al-shabaab Xeebta Liido ee degmada Cabdcasiis ay ku laaysay dad gaaraya 37 ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 247 ruux oo kale oo dhamaantood ahaa dad shacab ahaa oo dhalinyaro u badna kuna caweynayay Xeebta.