9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay degmada Buula burte

Sabti, Agoosto, 31, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay gudaha magaalada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay maqaaxi lagu shaaho oo ku taala bartamaha magaalada, taasoo ay fariisan jireyn dad u badan askar iyo macawiisleey.

Hal ruux ayaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday qaraxa miino ee lagu sii diyaariyay maqaaxida waxaana sidookale ku dhaawacmay ilaa 10 ruux oo isugu jira shacab iyo askar ku sugna maqaaxida.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la geeyay goobaha Caafimaadka degmada Buula burte, waxaana goobta qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmadaas oo baaritaano ka sameeyay goobta iyo nawaaxgeeda, hayeshee majirto cid lagu soo qabtay baaritaankaas.

Ugu dambeyntii majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxaan miino, waxaana xusid in degmada Buula burte dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay iney ka caaganeyd qaraxyada noocaan oo kale ah.