9/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2024
Talyaaniga oo Soomaaliya siiyay afar diyaaradood oo nooca Helicopter-ka ah ee loo yaqaanno Bell
 

Sabti, Agoosto, 31, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay afar diyaaradood oo nooca helicopter-ka ah oo noocoodu yahay Bell 412EPX, taasoo noqonaysa tii ugu badneyd ee la geeyo dalka Soomaaliya tan iyo markii laga qaaday cunaqabateynta hubka.

Diyaaradahan oo qiimahooda lagu sheegay 16 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, ayaa waxaa la sheegay inay siisay dowladda Talyaaniga, waxaana lagu wareejiyay maamulka Soomaaliya horaantii todobaadkan, sida ay sheegeen dadka falanqeeya arrimaha ammaanka iyo wararka ciidamada Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah oo dowladda ka tirsan oo codsaday inaan magacooda la shaacin, ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ay soo iibsadeen dowladda Soomaaliya, isla markaana aan lagu deeqin, sida ay horay u hadal hayeen warbaahinta.

Xogtu waxay ku nuuxnuuxsatay in ka dib qaadista cunaqabateynta hubka ay Soomaaliya u madax banaan tahay inay soo iibsato qalab kasta oo ciidan.

“Marka la qaado cunaqabateynta hubka, dowladda Soomaaliya waxay hadda haysataa madax-bannaani ay ku iibsan karto qalab kasta oo ciidan oo ay u aragto inay lagama maarmaan tahay, iyadoo aan loo baahnayn ogeysiis ama oggolaansho oo dhinacyo dibadda ah,” ayay dowladda Soomaaliya horey u tiri.

Diyaaradahan Helicopters-ka ah ayaa la filayaa in ay door muhiim ah ka ciyaaraan dagaalka ka socda Soomaaliya ee lagula jiro kooxda Al Shabaab.

Iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) uu dib u soo celinayo joogitaankiisa ciidamadooda, ayaa helista diyaaradahan helicopteradan waxay ka dhigan tahay sare u kac weyn oo lagu sameeyay awooda ciidamada Soomaaliya iyo dadaalada socda ee lagula dagaalamayo kooxaha lagu sheego xagjirka.