9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2024
Banaanbax lagu taageerayay ciidanka Itoobiya oo Maanta ka dhacay degmada Waajid
 

Sabti, Agoosto, 31, 2024 (HOL) - Banaanbaxaan maanta ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa ahaa mid lagu taageerayay in deegaanada Koonfur Galbeed ay sii joogaan ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale diidana in deegaanada maamulka Koonfur Galbeed la geeyo ciidamada ka socda dalka Masar oo ay dowladdu qorsheyso iney ka howlgalaan Koonfur Galbeed iyo gobolka Hiiraan.

Dibadbaxan oo ay qabanqaabadiisu laheyeen maamulka degmadaas ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha degmada Waajid Maxamed Macallin Yusuuf, kaasoo sheegay inay taageerayaan sii joogitaanka ciidanka Itoobiya, islamarkaana ay kasoo horjeedaan imaatinka ciidanka Masar.

"Magaalada Waajid nabada ka jirta iyo horumarka dhanka Waxbarashada  Caafimaadka iyo dowladnmada maanta la haysta intaba waxaa sababteeda leh ciidanka Itoobiya, mana yeeleyno in la badalo" ayuu yiri guddoomiyaha degmada Waajid Maxamed Macallin Yusuuf.

Sidoo kale qaar ka mid ah shacabkii ka qeyb galay banaanbaxa ayaa dhankooda sheegay deegaanadooda aysan ka howlgeli doonin ciidamada Masar ee qorshuhu yahay in lagu bedalo kuwa Itoobiya ee dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay ka howlgalaayay Koonfur Galbeed.

Dibadbaxayaasha ayaa watay  boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ka mid ahayeen “ma rabno Masar” iyo “soo dhawoow Itoobiya”, waxaana banaanbaxaan uu la yaab ku noqotay dadka Soomaaliyeed, maadaama ay hada meel xasaasi ah mareyso xiisadda  dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ugu dambeyntii degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa noqotay degmadii labaad ee lagu qabto dibadbax lagu taageerayo ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed, islamarkaana lagu diidayo keenista ciidamada Masar.