9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2024
Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo ku kala aragti duwanaaday bannaabaxyada Bakool ee lagu taageerayo ciidamada Itoobiya

Sabti, Agoosto, 31, 2024 (HOL) - Xildhibaano dhowr ah oo laga soo doorto Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si cad u taageeray banaanbaxyo lagu taageerayo ciidamada Itoobiya oo ka socda gobolka Bakool.

Xidlhibaanada ayaa sidoo kale cambaareeyey suurtagalnimada in ciidamada Masar la keeno dalka, iyagoo ku sababeeyey ujeedooyin siyaasadeed.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen xildhibaanadan ayay ku dhaleeceeyeen dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inay dayacday amniga shacabka Bakool, islamarkaasna ay ku guul darreysatay inay kala tashato maamul goboleedyada arrimaha amniga xuduudaha.

Waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo xiriirka ka dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada si wax looga qabto arrimahan muhiimka ah, sida iskaashiga dhanka amniga.

Dhinaca kale, Xildhibaano kale oo katirsan  Koonfur Galbeed, ayaa ka horyimid isu soo baxa lagu taagerayo ciidamada Ethiopia  ee ka dhacay Magaalada Xuddur iyo Waajid ee Gobolka Bakool.

Xildhibaanadu waxay ku tilmaameen iskusoo baxan mid khiyaano qaran ah, waxayna dowladda madaxweyne Xasan Sheikh ay ugu baaqeen inay si degdeg ah tallaabo uga qaado dadka ka dambeeya dibad baxyada lagu taageerayo ciidamada Ethiopia.

Bayaan ay soo saareen ayay ku booriyeen dowladda Federaalka in ay dedejiso howlgallada ay ku soo daad gureyneyso ciidamada ka imaanaya Masar.