9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2024
Howgal ka dhan ah Al-shabaab oo markale ka bilaabanaya gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
 

Sabti, Agoosto, 31, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada qeybo ka mid ah gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka dhanka ah Al-shabaab ayaa si gaar ah uga socda Galbeedka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha oo ah meelo ay wali ka taliyaan Al-shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Abuukar Macalin Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay inuu socda abaabulkii ugu dambeeyay, islamarkaana dhawaan si toos ah u bilaaban doono howlgalka kooxda looga xureyno meelaha ay kaga sugan yihiin labadaas gobol.

"Ciidamadu waxaa ka go’an iney gacanta ku dhigeen deegaanada ka maqan gacanta dowladda si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda ee Bulshada halkaas ku sugan ay u baahan tahay" ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Abuukar Macalin Maxamuud.

Ugu dambeynti abaabulka ka socda Galbeedka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa kusoo aadaya, iyadoo labadaan gobol ay ahayeen kuwii ugu horeeyay ee uu ka bilaawday kacdoonka ka dhanka ah Al-shabaab ee haatan ku faafay guud ahaan gobolada dalka.