9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2024
Wasiir Fiqi: Soomaaliya waxaa weli ka go’an in la gaaro natiijo nabadeed oo faa’iido wadaag u ah labada dal
 

Talaado, Agoosto, 13, 2024 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa isku afgartay in la aado wajiga saddexaad wada xaajoodka lagusoo afjarayo xiisadda labada dal ka dhaxaysa oo ka dhalatay heshiiskii badda ee Ethiopia ay la gashay maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Ambassador Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay warsaxaafadeed lagusoo xirayay wada xaajoodka, ayaa sheega, Dowladda Soomaaliya in ay mowqif adag ka istaagtay  ilaalinta madaxbannaanideeda, midnimadeeda iyo dhulkeeda.

“Madaama aan isu diyaarinayno wareegga saddexaad ee wadahadalada, waxaan ku rajo weynahay in dadaalkeenna uu ku dhammaan doono go’aan kama dambays ah. Waxaan ku ammaaneynaa taageerada joogtada ah iyo sida daacadda ah ee Turkiga uga go’an tahay in la dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay, Soomaaliya in ay weli ka go’an tahay in la gaaro natiijo nabadeed oo faa’iido wadaag ah, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo heshiiska Qaramada Midoobay ee sharciga Badda, si loo ilaaliyo karaamada iyo kheyraadka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay labada dal in ay isku afgarteen habab macquul ah oo aasaas u noqon kara xallinta khilaafaadka iyo helidda waddo la isku raacsan yahay oo loo maro.

“Hannaanka Ankara wuu sii soconayaa, waana u heellanahay sidii hore. Waxaan mar kale isugu soo noqon doonaa Ankara 17-ka Sebtember si aan u qabanno wareegga saddexaad, annagoo rajeynayna inaan si guul leh u soo gabagabeyno hannaanka. Inta ka dhiman, wadatashiyadayadu way sii socon doonaan,” ayuu yiri Hakan Fidan.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Taye Atske ayaa dhankiisa sheegay, Ethiopia inay rabto in xiisaddu degto, xaaladuna caadi ku soo laabato.

“Waxa aan rajo ka qabnaa in ay sii socdaan wadahadalada taasoo ugu dambeyn naga-caawin karta in xal laga gaaro xiisada hadda taagan si meesha looga saaro mad-madowga loona soo celiya xiriirka caadiga ah," ayuu yiiri Taye Atske

Atske ayaa garwaaqsan in wax weyn la gaari karo iyada oo loo marayo wada-hadalada socda. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si wanaagsan loo wajaho wada-hadalo kale oo miro dhal ah si buu yiri loo ilaaliyo xiriirkooda walaaltinimo ee Soomaliya.

Si kastaba ha ahaatee, wareeggii labaad ee wada xaajoodka lagusoo gabagabeeyay magaalada Ankara ayaa kusoo dhamaaaday heshiis la'aan, kaddib markii dhinacyadu ku guulaysan waayeen inay yeeshaan wadahadal toos ah.