9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2024
In ka badan 32 xubnood oo Al-shabaab looga dilay gobolka Jubbada Hoose
 

Talaado, Agoosto, 13, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooaka Danab oo garab ka helaya ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa saakay howlgalo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay howlgalada ku dileen in ka badan 32 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale nolosha lagu qabtay sadax xubnood oo kale.

"Dhimashada khawaarijtu waa in ka badan 32-dhagar qabe, halka sadax xubnood nolasha lagu hayo howlgaladana way socdaan wali" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Howlgaladaan lagu dilay xubnaha ka tirsan Al-shabaab ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah Yadi iyo Xaliimo Cadey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Badhaadhe ee gobalka Jubbada Hoose.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay deegaanada gobolka Jubbada Hoose waxaa si xowli ah uga socda howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.