9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2024
Ajaaniib ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu qabtay gobolka Hiiraan
 

Talaado, Agoosto, 13, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo ay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan kusoo qabtay laba nin oo ajinabi ah oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Maamulka deegaankaas ayaa soo bandhigay labada nin ee ajaaniibta ah iyo nin kale oo Soomaali ah oo isna isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ka howlgala deegaanka Farlibaax.

Guddoomiyaha deegaanka Farlibaax Axmed Aadan Xasan ayaa sheegay in ciidamada iskaashanaya ay sii wadayaan howlgalada ka dbanka ah Al-shabaab, wuxuuna ku bogaadiyay ciidamada soo qabashada ragaan ajaaniibta ee ka tirsan Al-shabaab.

"Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka howlgalo ay samayeen ayay labadan nin ee ajnabiga ah kuso qabteen ayagoo wax dhibato ah u geysan, ninka sadaxad waa Somali nala so xariray oo ka so baxsaday Khawarijta asago ka fa'ideysanaya cafiskii uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya, ciidamaduna way sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Shabaab" ayuu yiri guddoomiye Axmed Aadan.

Xubnahaan ajaaniibta ah ma aysan shaacin maamulka deegaanka Farlibaax dhalasho ahaan halka ay kasoo jeedaan, waxaana ay ku wareejiyeen taliska ciidanka Militariga ee gobolka Hiiraan ee fadhigiisu yahay Baledweyne.