9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2024
Somaliland oo sheegtay in ay fulinayso heshiiskii ay la gashay Itoobiya
 

Talaado, Agoosto, 13, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay dhaqan-galindoonto heshiiskii isfahan ee ay dhawaan la gashay dalka Itoobiya.

"Dowladda Somaliland waxay markale xaqiijinaysa ka go’naanshaheeda heshiiskii is-afgaradka ee Itoobiya, waxayna ku adagtahay xaqa ay u leeyihiin inay gali karto heshiisyo caalami ah oo ay madax-bannaantahay" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda.

Somaliland waxay sheegtay in ay si dhaw ula socotay dadaalada dhexdhexaadinta ee uu Turkigu ka dhex waday Soomaaliya iyo Itoobiya, lakiin aan laga gaadhin natiijadii uu Turkigu rabay.

Somaliland waxay sheegtay in hadalkii uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan Jimicihii kaga hadlay nidaamka dhexdhexaadinta dowladiisu uu muujinayay sida Turkigu aanu dhexdhexaad uga ahayn arrinta, lakiin uu rabay in uu faragalin toos ah ku sameeyo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Waxay intaa ku dartay in Somaliland ay ka go'antahay dhawrista nabada gobolka, iyo iskaashiga waddamada jaarka la ah, lakiin anay qaadanayn wixii wax u dhimaya madaxbannaanideeda.

Wareegii labaad ee wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya oo uu Turkigu gadhwadeen ka ahaa, ayaa maanta ku soo dhamaaday natiijo la'aan, waxaana loo balamay wareeg saddexaad.