9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2024
Maamulka gobolka Banaadir oo si adag uga hadlay banaanbax maanta ka dhacay Muqdisho

Talaado, Agoosto, 13, 2024 (HOL) - Iyadoo maanta banaanbax cabasho ah ka dhigeen gudaha magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Wadayaasha Mooto Bajaajyada ka dhex shaqeysta Muqdisho ayaa arintaasi waxaa si adag uga hadlay maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka amniga maamulka gobolka Banaadir Axmed Diiriye Yabooh ayaa ka digay in markale Muqdisho laga dhex sameeyo banaanbax la mid ah kii maanta oo aan sharci aheyn oo aysan ogeyn maamulka gobolka.

"Banaanbaxii maanta ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama ma aheyn banaanbax sharci ah, hadii ay cabasho qabaan waxay aheyd inay noo soo gudbiyaan ee maheyn in bananbax fowdo ah sameeyaan, maanta kadib cidii bananbax aanan ogeyn qabata masuuliyada iyaga ayaa yeelan doono, hadana cabashada bajajlayasha waa la xalin doona oo waxaan la kulanay guddi ka socday, bananbaxyada oo kale cadawga ayaa ka faa'ideysta mana aqbali doono inuu dhaco" ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Hadalka guddoomiye Yabooh ayaa daba socda banaanbaxii maanta ka dhigeen Muqdisho qaar ka mid ah wadayaasha Bajaajyada oo ka cabanaayay lacago badan oo lagu soo rogay, iyagoo sheegay in maalin dhaaf u shaqeystaan, islamarkaana aysan bixin karin lacagta laga doonayo iyo ganaaxyo kale oo ku dhacay.

Lacagaha lagu kordhiyay Bajaajlayaasha ee banaanbaxa keenay ayaa la sheegay iney tahay lacagta ruqsadda ka xeynta gaariga (licence) oo laga dhigay $200 oo ay xuseen iney u sii  dheer tahay lacagta Canshuurta dowladda Hoose oo dhan $15 Bishii.