9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2024
Cumar Cabdirashiid: Heshiis kasta oo lala galo Itoobiya yuusan ku jirin in ay saldhig ciidan ka sameysato dhul badeedka Soomaaliya
 

Isniin, Agoosto, 12, 2024 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa bogaadiyay dadaalka Turkiga ee soo afjarida wuxuu ugu yeeray gardarada Itoobiya ee ku wajahan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Raysal wasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa soo jeediyay in heshiis kasta oo lala galo Itoobiya uusan ku jirin ama soo jeedin in Itoobiya ay saldhig ciidan ka sameysato ama  xuquuq ka hesho dhul badeedka Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay raadisaa talo-bixin khubaro ah oo ku saabsan wada-hadallada haatan socda.

Hadalka raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maanta magaalada Ankara uu wadahadal uga socdo Soomaaliya iyo Ethiopia, iyadoo dowladda Turkiga oo dhex dhexaadinaysa ay doonayso in lasoo afjaro muranka labada dal.

Turkiga waxaa uu sheegay in muranka labada dal lagu soo afjari karo  in Ethiopia ay galaangal u yeelato biyaha Soomaaliya, iyadoo ixtiraamaysa madax bannaanida Soomaaliya.