9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2024
Baledweyne:- Nin ganacsade ahaa oo lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi
 

Isniin, Agoosto, 12, 2024 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa goordhaw nin ganacsade ahaa ku dhex dilay goobtiisa ganacsi oo ku taalay Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Madeer Ibraahin Xasan oo ka mid ahaa ganacsatada Magaalada Baledweyne.

Dilka ganacsadahaan ayaa yimid kadib markii kooxda hubeysneyd iyo marxuumka uu soo kala dhex galay murum ka dhashay adeeg dableydu dooneysay iney xoog ku qaataan.

"Sadax nin oo hubeysan ayay ahayeen dukanka ayay ugu galeen alaab ayay soo qabsadeen markii uu lacagta weydiiyayna wey diideen markuu la murmayna oo lacagteyda isiiya ku yiri rasaas ayay la dhaceen goobtana way ka baxsadeen" ayuu yiri qof ka ag dhawa halka lagu dilay ganacsade Madeer.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Baledweyne ayaa gaaray goobta uu falkaan ka dhacay kuwaas oo baadi goobaya kooxda geysatay dilkaan ay ka argagaxeen dadka ku nool Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne.

Ugu dambeyntii dilka ganacsadahaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo heerka amni daro ee magaalada Baledweyne uu gaaray halkii ugu sareysay mana muuqata cid isku xil saareysa wax ka qabashada falalka amni daro oo lala xariirinayo maamulada is diidan ee ku wada sugan gudaha magaalada Baledweyne.