9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2024
Madaxweynaha Turkiga oo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalada maanta dalkiisa uga furmaya Soomaaliya iyo Ethiopia
 

Isniin, Agoosto, 12, 2024 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta oo Isniin ah wadahadaladii labaad uu kaga ka billaabanayaa magaalada Ankara si loo qaboojiyo xiisadda ka dhextaagan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Wadahadalladan ayaa ujeedadoodu tahay sidii ay Itoobiya galaangal ugu yeelan lahayd biyaha Soomaaliya, iyadoo aan la carqaladayn madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee deriska ayaa markii ugu horreysay ku kulmay Ankara bishii tagtay ee 1-dii Luulyo, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan uu dhexdhexaadiye ka ahaa.

Dhinaca kale, madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa xalay khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadlay xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Turkigu wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya. Erdogan wuxuu sheegay in Ankara ay sii wadi doonto dadaallada lagu xallinayo xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in natiijooyin wax ku ool ah oo ku aaddan sidii xiisadda loo qaboojin lahaa laga filayo wareegga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhici doona magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga.