9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2024
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo xarun ka furatay SSC Khaatumo

Isniin, Agoosto, 12, 2024 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool laga daahfuray Xafiiskii 8-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo ku yeelanayso magaaladda Laascaanood.

Xaruntaan ayaa loogu adeegi doona dadka ku nool deegaanada SSC Khaatumo oo ay dowlada Fedaraalka u aqoonsatay maamul ku meel gaar ah.

Munaasabada lagu daahfuraayay xaruntaan waxaa ka qeyb galay oo xariga ka jaray hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali, isagoona ka mahadceliyay xarunta Xafiiskaan maanta laga hirgaliyay Laascaanood.

Hoggaamiye Cabduqaadir Firdhiye ayaa sheegay in dadka reer Khaatumo ay si weyn ugu baahi qabeen iney helaan adeegga Baasaboor bixinta oo markii hore ay u doonan jireen meelo ka baxsan deegaanada SSC Khaatumo.

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay iney xooga saarayso sidii Muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku sugan yihiin loogu geyn lahaa adeegyadda kala duwan ay bixiso hay’adda si loogu baajiyo qarashka iyo safarka dheer ee uga bixi lahaa helitaanka adeega baasaboorka.