9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2024
Qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan
 

Isniin, Agoosto, 12, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya laba qarax oo Shalay galinkii dambe ka dhacay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada oo ahaa miinooyin nooca dhulka lagu aaso ayaa midka koowaad waxa uu ka dhacay barkoontarool oo ku taala Galbeedka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnayeen ciidan dowlada, halka mid ka labaadna uu ka dhacay meel aan ka fogeyn koontaroolkaas oo ay ku sugnayeen ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

Labada qarax ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen laba askari oo ciidanka xoogga ah iyo laba kale oo ka mid ah ciidanka Macawiisleyda, waxaana ku dhaawacmay 5 ruux oo kale oo isugu jira ciidanka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka.

Qaraxyada kadib askar ka tirsan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa howlgalo ka sameeyay goobaha ay ka dhaceen qaraxyada miino, hayeeshee lama soo warin cid ay ku soo qabqabteen howlgalkaas.

Labada qarax ee ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe xaalada guud ee degmadaas ay aheyd mid ka caaganeyd qaraxyada iyo weerarada ay geysato kooxda Al-shabaab.