9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2024
Xasan Cali Kheyre oo si adag uga jawaab celiyay hadalkii madaxweyne Xasan Sheekh
 

Sabti, Agoosto, 10, 2024 (HOL) - Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo saaray si adag ugu dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo Shalay khudbad uu jeediyay ku sheegay in dhalinyarada shiidka ka cabaneysa ay yihiin kuwa lacagaha ka heli jiray Al-shabaab.

Kheyre ayaa qoraalkiisa ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu u gafay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta, islamarkaana looga baahan yahay inuu arintaas raali galin ka bixiyo.

Wuxuu tilmaamay in dhallinyarada yihiin kuwii dalka ka qaaday heeryadii gumeysiga sababna u ahaa xurriyadda, midnimada iyo jiritaanka dowladnimada, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynahii dalka uu ku tilmaamo dhallinyarada shiidka iyo baagamuudada ka cabanaya kuwa baadda u aruuriya Al-shabaab.

”Dhallinyaradu marti kama aha Soomaaliya ee waa milkiilayaasha dalka iyo madaxda mustaqbalka dhow, halkii ay dowladdu rajo iyo shaqo-abuur u sameyn laheyd markii ay cabireen duruuftooda iyo shaqo la’aanta haysa, waxaa nasiibdarro ah in Madaxweynaha Dalku ku tilmaamay in ay yihiin dad baadda u aruuriya argagaxisada, shaxaad iyo borobogaandana lacago ku heli jiray” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Hadalkaan kasoo yeeray Raysal wasaarahii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay madaxweyne Xasan Sheekh in dalka uusan ka jirin shiid, hayeshe dadka shiidka ka cabanaya ay yihiin kuwii Al-shabaab lacagaha u aruurin jiray, kuwii baraha bulshada dadka ka caaytami jiray iyo kuwii wax xadi jiray.