9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2024
Seychelles oo maxkamadeysa 6 qof oo looga shakisan yahay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah
 

Sabti, Agoosto, 10, 2024 (HOL) - Maxkamadda Sare ee dalka Seychelles ayaa bartamaha bisha January ee sannadka 2025 u muddaysay  dhegaysiga dacwadda lix qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin burcad badeedda Soomaalida.

Raggaan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerar burcad badeednimo oo tobankii bishii saddexaad ee sannadkan lagu qaaday markabka Chrystal Arctic ee ka diiwaan gashanaa Jasiiradaha Marshall.

Burcad badeedda ayaa 14-kii bishii May lagu wareejiyay maamulka Seychelles, kaddib markii ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada howlgalka Midowga Yurub ee ATALANTA.

Booliska Seychelles ayaa shaaca ka qaaday in Eedeysanayaasha ay da’doodu u dhaxeyso 20 ilaa 40 sano, waxaana saddex ka mid ah dadkaasi loo qaaday Isbitaalka si loola tacaalo dhaawacyada ka soo gaaray jirkooda.

Hawlgalka ATALANTA ayaa heshiis sharci ah kula jira Seychelles, si burcad badeedda lasoo qabto loogu maxkamadeeyo gudaha dalkaas. Dalka India ayaa sidoo kale kamida ah waddamada loo oggol yahay in lagu maxkamadeeyo burcad badeedda Soomaalida.

Haatan, in ka badan 30 maxbuus oo burcad badeed ah ayaa ku jira xabsiyada dalka India, kuwaas oo sugaya in lagu rido xukun, kadddib markii lasoo qabtay iyagoo gacmaha kula jiray dambiyo bucad badeednimo.

29 kamid ah burcad badeed ayaa lagusoo qabtay markabkii Reum  oo ay burcad badeeddu qafaasheen, balse markii dambe si xoog ah lagusoo furtay.