9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2024
Turkiga: Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay kusoo dhamaanaysaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda
 

Sabti, Agoosto, 10, 2024 (HOL) - Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmi doona Ankara toddobaadkan si ay uga wada hadlaan khilaafka ka dhashay heshiiska ay la saxiixatay maamulka Somaliland sanadkan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta Itoobiya ka xaqiijinayso midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya,” ayuu Hakan Fidan ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul.

Hadalka kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda Turkiya ayaa yimid todobaad ka dib markii uu booqday magaalada Addis Ababa oo uu la kulmay raysal Wasaare Abiy Ahmed.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in haddii Ethiopia ay doonayso inay galaangal u yeelato biyaha Soomaaliya, ay soo marto waddada sharciga ah, iyadoo ixtiraamaysa madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.