9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2024
Guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo Maaliyadda degmada Baledweyne oo la dilay
 

Sabti, Agoosto, 10, 2024 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa Xalay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo Maaliyadda degmada Baledweyne Cabdisahal Shuuriye Xuseen.

Dilka guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Baledweyne Cabdisahal Shuuriye ayaa ka dhacay xaafada Xaawa taako, gaar ahaan laanta Kulanta abaare 11-kii Habeenimo ee Xalay, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in kooxda dilka u geystay marxuumka ay doonayeen iney ka dhacaan Mopile isaga iyo wiil kale oo la socday xili ay kusii jeedeen guryahooda.

Kooxda dilka geystay oo isaga baxsatay goobta ayaa la sheegay iney horay u qaateen Bistoolad iyo Mopile uu watay guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Baledweyne.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga degmada Baledweyne ayaa goor dambe tegay goobta uu falka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgalo aan wax natiijo ah kasoo bixin oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Dilka marxuumkaan ayaa imaanaya, iyadoo Baledweyne dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay loo maara la'yahay dhaca ay geysanayaan kooxo hubeysan oo intooda badan ku labisan dareyska ciidanka, kuwaas oo dadka ka qaadanaya Mobeylada iyo waxyaabaha kale ay gacanta ku sitaan taasoo dadka reer Baledweyne dhibanayaal u yihiin oo aysan jirin cid wax ka qabaneysa falalkaas.

Ugu dambeyntii Cabdisahal Shuuriye ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo caan ka ahaa Magaalada Baledweyne, waxaana dilkiisa aad ka carooday dhalinyarada Magaalada Baledweyne oo dalbaday in deg deg ah gacanta loogu soo dhigo kooxdii ka dambeysay dilkiisa.