9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2024
Ciidamada badda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Yurub oo soo gabagabeeyay dhoolatus ciidan oo ay sameeyeen
 

Sabti, Agoosto, 10, 2024 (HOL) - Ciidamada Ilaalada Xeebaha Soomaaliya oo kaashanayay Howlgalka Midowga Yurub ee ATALANTA ayaa soo gebagebeeyey dhoolatus wada jir ah oo lagu xoojinayey amniga badda ee gobolka iyo ka hortagga falalka sharci darrada ah ee ka socda biyaha Soomaaliya.

Dhoolatuskan oo xoogga lagu saarayay farsamooyinka baadigoobka, iyo isticmaalka qalabka isuduwidda badaha ee IORIS ee uu maalgeliyo Midowga Yurub, ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada badda Soomaaliya.

Dhoolatuska ayaa la sheegay inuu la jaan qaadayo istaraatiijiyadda mas'uuliyadda amniga badda looga wareejinayo ciidamada Midowga Yurub laguna wareejinayo ciidamada Soomaaliya, iyo dhimista ku tiirsanaanta taageerada militariga shisheeye.

U wareejinta waajibaadka amniga badda ee ciidamada Soomaaliya ayaa la filayaa inay sare u qaaddo xasilloonida gobolka iyo inay soo jiidato maalgashi shisheeye, iyadoo la sugayo amniga badda Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale hoosta ka xariiqayaa taageerada caalamiga ah ee madax-banaanida Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka Atalanta, Horumarradan ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee Soomaaliya ay ugu jirto xasilinta dalka, ilaalinta xuduudaha, iyo ka qeyb qaadashada amniga gobolka.