7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 23, 2023
Madaxweynaha Uganda oo gooni isutaaga Somaliland ku tilmaamay mid aan sax ahayn

Sabti, September, 23, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa soo jeediyay in Somaliland iyo Soomaaliya midoobaan, isaga oo sheegay in loo baahanyahay in dhinacyadu qaataan siyaasad ku salaysan dantooda.

Museveni oo qoraal kasoo saaray kulan uu madaxtooyada Kampala kula yeeshay Ergayga Gaar ah ee Somaliland u Qaabilsan Uganda Jaamac Muuse Jaamac, ayaa sheegay in gooni isutaaga Somaliland aanu ahayn mid sax ah.

"Waxa madaxtooyada Entebbe igu soo booqday Ergayga Gaar ah ee Somaliland Jaamac Muuse Jaamac, anagu ma taageersanin in Somaliland ka godo Soomaaliya, waayo istaraateji ahaan waa qalad" ayuu yidhi Museveni.

Museveni diidmadiisa waxa uu ku sababeeyay in dadka labada dhinac ay wajahayaan cabado isku mid ah, marka laga yimaado diinta iyo jinsiyada, sidaa darteedna ay u fiicantahay in ay qaataan siyaasad dan ku salaysan, taasi oo uu ku sheegay in ay ka muhiimsantahay siyaasada ku salaysan jinsiyada.

Waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato dhexdhexaadinta labada dhinac, isaga oo sheegay in suuqyada gudaha ee Soomaaliya iyo Somaliland anay ku filnayn, sidaa daraadeedna loo baahanyahay in dhinacyadu ay midoobaan, isla ganacsadaan, kadibna Afrika la ganacsadaan.

Sida ay hore u sheegtay Xogeeyihii Hore ee Maraykanka ee Arrimaha Afrika Condoleezza Rice dowlada Uganda ayaa ka mid ah waddamada Afrika ee kasoo horjeeda gooni isutaaga Somaliland, sidookale, Uganda ayaa kamid ah waddmada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.