7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 23, 2023
Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay sida ay dowladda Soomaaliya u maareysay codsiga dib u dhigidda bixitaanka ATMIS
 

Sabti, September, 23, 2023 (HOL) - Dhowr dal oo ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay, kuna qanacsanayn qaabka ay dowladda Soomaaliya u maareysay dhimista iyo codsigeedii ahaa in la hakiyo hannaanka bixitaanka ciidamada.

Sarkaal codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hareer martay hay’addii ku habooneyd ee arrintan gacanta ku haysay.

Waxa uu ku andacoodey in codsiga ay ahayd in loo gudbiyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, oo ah hay’adda u xilsaaran Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Taas bedelkeeda, waxaa loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo uu sarkaalku u arkay mid hareer maray hay'addii ku habboonayd.

“Warqadan ma ahayn in lagu wajaho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee waa in lala socodsiiyo hay’adda loo igmaday oo ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika. Iyaga ayaa ah kuwii soo amray in la geeyo ciidamada ATMIS-ka,” ayuu yiri sarkaalka.

Mas’uulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa carrabka ku adkeeyay in codsigan oo kale ay aheyd in uu soo gudbiyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ama mas’uul ka sareeyo, kadibna safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ay fududeyn karto gudbinta codsigan oo loo maro hab diblomaasiyadeed oo sax ah.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ku soo gudbin codsiga waqtigii loogu talagalay, isagoo sheegay in dhowr toddobaad ay ka harsan tahay xilliga la dhimi doono 3000 aksari, iyadoo aan lagala tashan, lagalana shaqeyn dhinacyada ay khuseyso.

Maalmo ka hor dowladda Soomaaliya ayaa golaha ammaanka QM u dirtay codsi ku aadan in saddex bilood dib loo dhigo wajiga labaad ee bixitaanka ciidanka ATMIS, oo haatan ku beegnayd bishaan september.