7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 23, 2023
IMF oo shaacisay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay sharuudihii ugu dambeeyay ee dayn cafinta

Sabti, September, 23, 2023 (HOL) - Dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa gaaray heshiis ku saabsan dib u eegista lixaad ee qaabeynta barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya.

Hay’adda IMF ayaa ku ammaantay Dowladda Soomaaliya, inay horumar ka sameysay si ay u buuxiso shuruudaha lagu gaarayo dhameystirka dayn cafinta bisha Diseembar 2023, markaas oo deynta Soomaaliya dibadda looga leeyahay ay noqon doonto wax ka yar $ 600 milyan marka la barbardhigo sanadkii 2018 oo dayntu ahayd $ 5.2 bilyan.

IMF waxay sheegtay Soomaaliya inay ka go’an tahay in ay sii waddo xoojinta hay'adaha dhaqaalaha, iyo horumarinta kobaca dhaqaalaha loo dhan yahay.

IMF waxay sheegtay taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamiga ah inay lama huraan u tahay dadaallada dayn cafinta Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa soo dhaweeyay warbixinta IMF ee hannaanka dib-u-eegista 6-aad.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa ballan qaaday in dowladdu ay ka go’an tahay sii wadidda iyo joogteynta hannaan walba oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya.