7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 23, 2023
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne
 

Sabti, September, 23, 2023 (HOL) - Qarax aad u xoogan ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo jugtiisa laga maqlay guud ahaan Xaafadaha Baledweyne.

Qaraxa oo ahaa Ismiidaamin loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay barkoontarool oo ku taala agagaarka Buundada Nuur xawaad ee magaalada Baledweyne oo ah koontarool Canshuurta looga qaado gaadiidka gala ama ka baxa gudaha Baledweyne.

Wali si rasmi ah looma oga khasaraaha rasmiga ee ka dhashay qaraxaan Ismiidaaminta oo wararka hordhaca ay sheegayaan in loo adeegsaday gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Muuqaal laga soo duubay goobo ka fog halka uu qaraxa ka dhacay ee magaalada Baledweyne ayaa muujinaayay qiic tira badan oo cirka isku shareeray, kadib markii u dhacay qaraxa.

Qaraxa ayaa sidoo kale geystay burbur baaxad leh oo gaaray dhismayaal badan oo ka agdhaw goobta uu qaraxa ka dhacay iyo kuwa kale oo ka fogba, maadama qaraxa uu ahaa mid aad u weyn oo gilgilay xaafadaha Baledweyne.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.