7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 23, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo Baledweyne ka dhacay

Sabti, September, 23, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo duhurninadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxaan Ismiidaaminta ah ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari Xamuul ah oo lasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo ka dhacay barkoontarool oo gaadiidka looga qaado lacagaha Canshuurta oo ku taala agagaarka Buundada Nuur xawaad ee magaalada Baledweyne.

Khasaaraha hordhaca ah ee la xaqiijiyay ayaa sheegaya in ilaa 10 ruux ay ku dhinteen qaraxa, islamarkaana dad gaaraya 20 ruux ay ku dhaawacmeen qaraxa, walow wali ay jiraan dad guryo kusoo dumeen oo la baadi goobi haayo, islamarkaana khasaaraha uu intaan kasii badan karo.

Qaraxaan waxa uu si weyn u burburiyay dhismayaal badan oo ku yaala xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ee magaalada Baledweyne oo isugu jira goobo ganacsi iyo guryo caadi ah.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka degmada Baledweyne oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxaan Ismiidaaminta ah ee geystay khasaaraha baaxada leh ee isugu jirta naf iyo maal intaba.

Baledweyne waa magaalada labaad ee kooxda Shabaab ka fuliso qaraxyada Ismiidaaminta ah ee ugu khasaaraha badan marka laga reebo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.