7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 8 , 2023
Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay dagaalka u dhaxeeya Israa'iil iyo Xamaas
 

Axad, October, 8, 2023 (HOL) - Waxaa maalintii labaad galay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Israa'iil iyo dagaalyanahada Xamaas oo geystay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalka u dhaxeeya labada dhinac ayaa la xaqiijay inuu ka socdo 22 goobood oo ku yaala meel u dhaw Koonfurta marinka Qaza oo maalintii Sabtiga uu ka bilaawday dagaal lagu jabiyay ciidanka Israa'iil.

Gaashaanle Dhexe Jonathan Conricus oo ah afhayeenka ciidanka IDF ayaa warbaahinta u sheegay in 1,000 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Xamaas iney gudaha u galeen Israa'iil Sabtigii lasoo dhaafay.

Israa'iil oo ka jawaab celinaysay dagaalka Sabtigii khasaaraha badan lagu gaarsiyay ayaa duqeymo aargudasho ah maanta ku qaaday Marinka Qaza, iyadoo sheegtay iney la beegsatay duqeymahaas xarumaha sirdoonka Xamaas, warshad soo saarta hubka iyo laba Banki ay ka mid ahaayeen bartilmaameedyada duqeynta, hayeeshee maysan sheegin khasaaraha ka dhashay.

Weerarka Ururka Xamaas ay ku qaaden dhulka Israa'iil ay xoogga ku haysato ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 250 oo Israa’iiliyiin ah, islamarkaana lagu dhaawacay in ka badan 1,000 kale oo Israa'iiliyiin ah.

Si kastaba ha ahaatee weerarka Xamaas Sabtigii ku qaaday ciidanka Israa'iil ayaa noqday mid durba siyaabo kala duwan uga falceliyeen qaar ka mid ah dalalka Caalamka.

Weerarka Xamaas maalin ka hor ku qaaday ciidanka Israa'iil ayaa waxaa la sheegay in  Xamaas ay adeegsatay 24 saac gudahood ilaa 3,000 oo gantaal.