7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 8 , 2023
Xubin kamid ah guddi uu M/ Deni u magacaabay wada xaaajood dowladda federalka oo iscasilay
 

Axad, October, 8, 2023 (HOL) - Eng. Ismaaciil Xaaji Warsame, oo  guddoomiye ku-xigeen ka ahaa guddi Farsamo oo madaxweynaha Puntland uu u magacaabay wada-xaajoodka dowladda Federaalka iyo Puntland, ayaa si deg deg ah isaga casilay xubinnimadii guddigiisa.

Qoraal rasmi ah uu soo saaray ayuu ku sheegay sababta uu xilka isaga casilay in ay tahay, kaddib markii guddigooda uu awoodi waayay in uu qabto hawlihii shaqo ee tan iyo markii la aasaasay guddigan Jannaayo 2023.

Ismaaciil Xaaji wuxuu sheegay guddi ka koobnaa dhammaan saddexda gole ee maamulka Puntland, kuwaas oo uu magacaabay Madaxweyne Deni, si ay ugu hagaan wada-xaajoodka federaalka, in ay ku guul-darreysteen inay hal kulan yeeshaan, taasoo keentay in aanay wax walaac ah ka qabin dhinaca Madaxweynaha.

“Kadib dadaalo badan oo fashilmay iyo talo-farsamo oo ku aadan arinkaas oo madaxda TCFN ay ku doonayeen in ay isku soo dhaweeyaan jihada iyo halka ay marayso Dowladda Puntland ee hadda jirta ee ku aadan arrimaha dowlad goboleedyada iyo qaranka, gaar ahaan Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Arrimaha Federaalka, waxaa la gaaray waqtigii aan tegi lahaa, si aanan qeyb ugasii noqon guddi guul-darraystay, oo aan karti lahayn, oo aan wax faa’iido ah u lahayn shacabka Puntland iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Eng. Ismaaciil Xaaji Warsame.

Qodobada kale ee uu isku casilay waxaa kamid ah, in aanu guddigoodu lahayn awood uu kaga hor tago caqabadaha ka hor imaanaya arrimaha dawladnimada. Wuxuu sheegay guddigooda inuu ku jiro xaalad curyaanimo ah oo uu sababay maamulka Puntland.

Sidoo kale in aysan wax jawaab celin ah ka helin madaxweynaha Puntland, iyo hay’adaha maamulka oo uu sheegay in aysan la wadaagin wax talo iyo tusaale ah. Sidoo kale in aysan la xiriiri karin saaxiibada kale ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.