7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 8 , 2023
Ciidamo kala taabacsan Horjoogayaasha ugu sarreeya Shabaab oo ku dagaalamay Jilib

Axad, October, 8, 2023 (HOL) - Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in horjoogayaasha ugu sarreeya Alshabaab, sida Mahad Karatee iyo Axmed Diiriye ay ku dagaalameen degmada Jilib & Hargeysa-Yarey oo katirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda oo lagu daabacay bogga wasaaradda ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in khasaare xooggan uu soo gaaray maleyshiyaadka kala taabacsanaa labada horjooge ee Alshabaab.

Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay in dagaalkan uu daba socday xadhiga ciidamo katirsan kooxda, kuwaas oo ka amarqaata Mahad Karatee.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inuu muddo ka dhaxeeyay khilaaf huursanaa oo salka ku hayay maamulka maaliyadda, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee Nairobi, oo sheegay in lala wadaagay warbixino sirdoon.

Hoggaamiyaha  Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeyda ayaa isku dayey inuu shaqada ka eryo madaxa sirdoonka iyo maaliyadda kooxda Mahad Karatee, iyo madaxii howl-gallada dibedda Bashiir Qoorgaab, kadib markii ay isku qabsadeen cidda maamuleysa dhaqaalaha kooxda.

Bashiir Qoorgaab, oo dowladda Mareykanka ay sheegtay inuu mas’uul ka ahaa weerarkii saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya, ayaa sanadkan lagu dilay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

Warbixinta lagu daabacay wargeyska Daily Nation ayaa sheegaysa in warbixino cusub oo sirdoon ay muujinayaan in geerida Qoorgaab ay kasii dartay khilaafkii iyo kala shakigii kooxda ka dhex jiray.