7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 8 , 2023
2 askari oo ku geeriyooday qarax ka dhacay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo
 

Axad, October, 8, 2023 (HOL) - Ugu yaraan labo askari oo katirsanaa ciidanka xoogga dalka, ayaa ku geeriyooday qarax miino oo lagula eegtay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Isaaq.

Labada askari ee geeriyootay ayaa la socday gaari ciidan oo lala eegtay qarax lagu qariyay waddada dhinaceeda. Gddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo ayaa sheegay, in Alshabaab ay qaraxa u qorsheeyeen in lala beegsado Kolonyo ciidan oo howlgallo amni ka waday magaalada Baladxaawo.

Gobolka Gedo ayaa wajahaya qaraxyo iyo dilal ka dhan ah masuuliyiinta hay’adaha ammiga. Waxaa ugu dambeeyay dilkii loo geyasatay taliyihii nabad sugidda Doolow, kaas oo ay dishay xaaskiisa, oo looga shakisan yahay inay Shabaab ka tirsan tahay.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, ayaa sheegay in Alshabaab ay sameynayaan falal naf la caari. Wuxuu sheegay dhawaan Jubbaland in uu ka bilaabanayo wajiga labaad howlgalka Shabaab looga xoraynayo degaanada Jubbaland.