7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 8 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo goordhaw u ambabaxay dalka Eretariya

Axad, October, 8, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw safar ugu ambabaxay magaalada Asmara ee dalka Eretariya.

Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Eretariya ayaa lagu sheegay iney la xariiro adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadisda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo labadii bilood ee lasoo dhaafay dagaalada ka dhanka ah Shabaab ka hoggaaminaayay magaalada Dhuusamareeb ayaa howlaha dardar galinta dagaalka deegaanada Galmudug u xilsaaray madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, sida lagu shaaciyay warkasoo baxay Madaxtooyada.

"Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgalinta qorshaha muddo kooban dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug, Madaxweynaha ayaa safarka kaddib halkiisa ka sii waddi doono hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah argagixisada" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Gabagabadii safarka madaxweynaha Soomaaliya uu maanta ugu ambabaxay dalka Eretariya ay kusoo beegmaya, iyadoo wali dalkaas ay ku sugan yihiin ciidan tababar gaar ah ku qaadanayo oo isugu jira qeybaha kala duwan ee ciidamada Qalabka Sida.