7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 26, 2023
Abiyi Axmed oo sheegay in Itoobiya aysan dooneyn in ay xoog iyo duulaan u adeegsato sidii ay bad ku heli lahayd
 

Khamiis, October, 26, 2023 (HOL) - Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo maanta ka qayb galay munaasabad loo qabtay Ciidamada Militariga Itoobiya oo lagu xusayay sannadguuradii 116aad ee kasoo wareegtay Aasaaskii Ciidamada Militariga Itoobiya, ayaa ka hadlay dhowr arrimood oo ay kamid tahay damaca Itoobiya ee ah inay hesho bad ay danaheeda u isticmaasho.

Abiyi Axmed waxa uu ugu horreyn sheegay in Itoobiya ay wada hadal u adeegsanayso wax walba oo ay rabto, marnaba aysan dagaal iyo xoog u adeegsanayn hadafkeeda iyo waxa ay ubaahan tahay inay hesho, "Itoobiya marka ay leedahay waxyaabaha qaar aan ka wada hadalno waxaa la maqlaa in la leeyahay Itoobiya duulaan iyo dagaal ayay usocotaa oo ay wax ku raadinaysaa" ayuu yiri Abiyi Axmed.

Isagoo hadalkiisa sii wata Abiyi Axmed waxa uu sheegay inaysan marna suurtagal ahayn in Itoobiya ay duulaan wax ku raadiso, " waxaan arrinkaas uga jawaabayaa in Itoobiya xoog iyo duulaan aysan ku rabin inay ku gaadho waxa ay u baahan tahay amase ay rabto inay gaadho".

" Inagoo eegayna danta guud iyo waxa aynu ka wada faa'iodayno ee aynu ku wada barwaaqoobayno ayaynu walaaladeen ka wada hadlaynaa arrimahan badda, ee marnaba uma socono xoog iyo duulaan inaan wax ku raadsano" ayuu kusoo gunaanaday Abiyi Axmed hadalkiisii.

Hadalka Abiyi Axmed ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan uu sheegay in dalkiisu u baahan yahay inuu helo bad, taas oo hadal hayn badan dhalisay, inkastoo khudbadda Abiyi Axmed ee maanta ay u badnayd Ciidamada Militariga Itoobiya iyo waxyaabihii ay soo qabteen, haddana waxaa imbadan khudbadiisa ka muuqatay mid uu ugu jawaabayo dalalka deriska la ah Itoobiya ee uu ka damacsan yahay inuu ka helo bad uu sheegay inuu si wadahadal iyo nabad ay ku dheehan tahay uu u marayo helitaankeeda.

Itoobiya ayaa ah dalka ugu weyn qaaradda Afrika oo aan wax bad ah lahayn, waxaana Itoobiya bad ugu dambaysan qiyaastii 30 sano kahor wakhtigaa oo Eritariya ay kamid ahayd dalka Itoobiya, wixii intaa ka dambaysay oo Eritariya ay madaxbanaanideeda ka qaadatay Itoobiya, Itoobiya waxa ay isticmaashaa dekadda Jabuuti oo ay u isticmaasho waxa ay dhoofinayso iyo waxa ay soo dejinayso.