7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 26, 2023
Kenya oo Dowlada Soomaaliya uga jawaabtay qunsul ay dhawaan u magacawday Somaliland
 

Khamiis, October, 26, 2023 (HOL) - Dowlada Kenya ayaa sheegtay in qunsulka ay dhawaan Somaliland u magacawday, uu yahay qunsul guud isla markaana, Kenya anay aqoonsanayn Somaliland.

Kenya oo ka jawaabtay codsi Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo lagu dalbanayay in lacadeeyo jagada iyo shaqada uu qabanayo Cabdiwali Muxumed Xuseen oo dhawaan Kenya u magacawday xafiiskeeda Hargaysa, ayaa sheegtay in uu yahay qunsul guud, ee ayna Kenya u aqoonsaneyn Somaliland dal.

"Wasaaradu waxay markale caddaynaysa aqoonsiga buuxa ee Dowlada Kenya ay u hayso midnimada Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna caddaynaysa in Kenya ay Somaliland u aqoonsantahay dowlad goboleed Soomaaliya kamid ah".

Kadib safar uu ku tagay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi dalka Kenya 13, December, 2020, ayaa horseeday in Kenya xafiis ka furato magaalada Hargaysa, taasi oo ka cadhaysiisay dowlada Soomaaliya.

Hadaba, dhawaan ayay dowlada Kenya qunsul usoo magacawday Somaliland, iyada oo isla markaana safiir cusub u magacawday Soomaaliya.