7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 26, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Brussels kulan kula qaatay madaxweynaha Golaha Midowga Yurub
 

Khamiis, October, 26, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah kula qaatay magaalada Brussels ee dalka Biljamka madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles Michel.

Labada madaxweyne ayaa kulankooda kaga wadahadlay dagaalka ka dhanka ah ciribtirka kooxda Al-shabaab, iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi socodka dowlad dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan dhaqaale ee bulshada, sida lagu yiri war kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Kulankaan uu madaxweyne Xasan Sheekh la qaatay madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles Michel ayaa qeyb ka noqonaya kulama duceedyo uu madaxweynaha, halkaas kula qaadan doono saacadaha soo socda qaar ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shir ka socda magaalada Brussels oo u dhaxeeya Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya.

Madaxwaynaha Soonaaliya ayaa sidoo kale lagu wada inuu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyo madasha oo socon doonta inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023 sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.