7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 26, 2023
Golaha wasiiradda Soomaaliya oo mushaarkooda bishaan ugu deeqay ciidanka xoogga dalka

Khamiis, October, 26, 2023 (HOL) - Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ugu deeqay mushaarkooda bisha Oktoobar, si ay ugu taageeraan ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Go’aankaan ayaa looga dhawaaqay shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, shirkaas oo ay kasoo baxeen qodobo ku saabsanaa dagaalka dowladda kula jirto Alshabaab.

Afhayeenka xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa ku tilmaamay go’aanka golaha wasiiradda mid dhiirri galinaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyo kuwa degaanka.

Afhayeenku wuxuu sheegay tallaabadan inay qeyb ka tahay, ka jawaabidda baaqii kasoo baxay madaxda sare dalka, ee ahaa in aan loo kala harin dagaalka lagu ciribtiriyo Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa dhawaan ku dhawaaqay wajiga 2aad ee dagaalka ka dhan ah Alshabaab. Madaxweynuhu wuxuu sheegay dowladdu inay u baahan tahay taageero gacan ka geysata dagaalka dalka looga xoraynayo Alshabaab.